Banner with people

RentHelpMN mardambe ma aqbalayso arjiyada. 

Rent Help MN

RentHelpMN mardambe ma aqbalayso arjiyada.

Rent Help MN

Waa maxay RentHelpMN

Barnaamijkan waxaa loo sameeyay in lagu caawiyo kiraystayaasha Minnesota ee halis ugu jira inay waayaan guryahooda sababo la xiriira aafada cudurka COVID-19, iyo in dib loogu celiyo mulkiilayaasha guryaha lacagihii kirada ee seegay. Haddii aad la dib dhacday kiradaada, waxaanu halkan u joognaa inaan ku caawino. Ogoow haddii aad u qalanto oo maanta billow arjigaaga.

RentHelpMN mardambe ma aqbalayso arjiyada 

Haddii aad soo gudbisay arji January 28 ama kahor, dib u eegis ayaa lagu samayn doonaa. Codsiyada u qalma waa laga shaqayn doonaa iyadoo ku xiran in loo heli karo maalgelin. 

Miyaad raadinaysaa kaalmada kirada ama adeegyada guriga? 

Kaalmada adeegyada guriga ayaa waxa la heli karaa iyada oo loo marayo Barnaamijka Kaalmada Tamarta (Energy Assistance Program). Codso May 31, 2022.

Hoos u dhaadhac si aad u hesho link-yada khayraadka bulshada oo dheeraad ah  

 

RentHelpMN waa ka hortaga ka Saaritaanka Guriga

Haddii aad tahay kireyste wajahaya in laga saaro guriga kirada oo aad bixin wayday darteed, haysashada arjiga gargaarka kirada xaaladaha degdega ah oo sugayaa waa ilaalin. Kiraystayaasha hela ogeysiiska ka saarida gurigu waa in ay wali ka jawaabaan oo ay horyimaadaan maxkamada si ay u muujiyaan cadaynta in ay codsadeen. Shaqaale ka socda Guriyeynta Minnesota ayaa waxay joogaan dhegaysiyada maxkamada si ay u siiyaan macluumaad dhammaan dhinacyada. Ka ogoow wax badan oo ku saabsan habka guri ka saarida iyo sida loo difaaco naftaada homelinemn.org.

Diyaariyo Codsigaaga

Kireystayaasha Minnesota ee u qalma waxay u heli karaan caawinta kirada iyo biilasha korontada ee la taariiqeeyay Maarso kadib 13, 2020. Haddii aad u qalantid, waxaad heli kartaa illaa 18 bilood caawin guud.
Building icon

Lacag Bixinada Kirada

Kirada waqtigeeda la dhaafay tan iyo Maarso 13, 2020 (kirada Abriil 1) iyo kirada imaaneyso, sadex bilood waqtigiiba.

renter icon

Liiska hubineed ee kiraystaha

Dajiso Liiska warbixinta Kireystaha PDF si aad u aragtid haddii aad u qalantid oo ogow dokumintiyadee ayaad u baahaneysaa si markaas aad diyaar ugu noqotid codsashada.

landlord icon

Liiska hubineed ee mulkiilaha

Ka dajiso Liiska hubinta Milkiilaha PDF si aad u aragtid haddii aad u qalantid oo ogow dokumintiyadee ayaad u baahaneysaa si markaas aad diyaar ugu noqotid codsashada.

211-logo-tagline-rgb   Yaan ugu yeeri karaa su'aalaha?  Howlwadeenada tababaran ayaa loo heli karaa inay ka jawabaan su'aalahaaga ku saabsan u qalmidaada, biilasha, dokumintiyada ama si loo sameeyo hoy macquul ah. Soo wac 211 maanta.


Codsiga Kirada

Haddii aad tahay kireyste ku nool Minnesota ee buuxiyo sharuudaha u qalmida, waxaad codsan kartaa RentHelpMN.


Diiwaangelinta Milkiilaha

Ma tahay milkiile leh kireystayaal ka dib dhacay kirada? RentHelpMN waa fursad cusub oo lagu bixinayo kirada aad qabtid.

Minnesota phone

Illaha kale ee la heli karo

Shirkado badan ee helay lacagaha guriga iyo caawinta la xiriirto sida ka qeyb ah lacagaha deeqda COVID-19.

LA WADAAG RentHelpMN BULSHADAADA

 

Haddii aad jeclaan laheyd inaad ku caawisid faafinta erayga ku saabsan RentHelpMN, raac linkiga hoose si aad ugu gashid qalabka qoraalada oo adiga aad isticmaashid. Kuwaan waxaa ku jiro boostiyada warbaahinta bulshada, i-meelka iyo luuqada fariimo qoraalka, boostiyada, buugyarayaasha, cayeysiinta dhijitaalka iyo wax badan.

JAALALKEENA

Anoka County
Dakota County
Hennpin County
City of Minneapolis
Ramsey County
City of Saint Paul
Washington County