OGAYSIISKA SHARCIGA ASTURNAANTA

 

Maamulka: The Minnesota Housing Finance Agency (MHFA) iyo awoodaha maxalliga ah (degmooyinka Anoka, Dakota, Hennepin, Ramsey, iyo Washington, iyo magaalooyinka Minneapolis iyo Saint Paul, si wadajir ah "awoodaha maxalliga ah") ayaa loo ogolyahay inay ururiyaan macluumaadka gaarka ah, kuwaas oo ay ku jiri karaan lambarkaaga sooshiyal sekuuritiga haddii aad ikhtiyaari ku bixiso, sida ay qabaan Sharciga Guriyeynta Maraykanka ee 1937 (42 U.S.C. 1437 et. seq.), Cinwaanka VI ee Sharciga Xuquuqda Madaniga ee 1964 (42 U.S.C. 2000d), Xeerka Cadaaladda Guriyeynta (42 U.S.C. 3601-19), Xeerka Ku Dhaqanka Macluumaadka ee Dowladda Minnesota (Minn. Stat. Ch. 13) (hadda kadib "MGDPA"), iyo Minn. Stat. 462A.05. Ujeeddo: Xogtaada gaarka ah, sida lagu qeexay MGDPA, waxaa aruurinaya MHFA iyo maamulada maxalliga ah si loo go'aamiyo u qalmitaankaaga Barnaamijka Gargaarka Kirada Xaaladaha Degdegga ah ee COVID-19. Adeegsiyada Kale: MHFA iyo maamullada maxalliga ah ayaa sidoo kale u adeegsada xogtaada gaarka ah si ay si wax ku ool ah u maareeyaan una qiimeeyaan waxtarka barnaamijka, si ay ugu hoggaansamaan shuruudaha ka warbixinta ee Waaxda Hanti-dhowrka Mareykanka, iyo in hab hufan mustaqbalka loo maamulo barnaamijyada kaalmada guriyeynta ee la xiriira COVID gaar ahaan kuwa lagu ogolaaday sharci fulinta ama kuwa ay soo rogtay dowladda federaalku. Xogtaada gaarka ah waxaa loo sii deyn karaa hay'adaha federaalka, gobolka, iyo kuwa maxalliga ah, marka ay khusayso, iyo baarayaasha madaniga, dembiyada, ama xeer-ilaaliyayaasha. Si kastaba ha noqotee, xogtaada gaarka ah looma sheegi doono ama looma sii deyn doono meel ka baxsan MHFA, awoodaha sharci ee maxalliga ah, ama wakiiladooda, qandaraaslayaashooda, ama shaqaalahooda u qoondaysan, marka laga reebo sida sharcigu ogolyahay ama uu u baahanyahay. Ganaax: Waa inaad bixiso dhammaan xogta gaarka ah ee loo baahanyahay si looga shaqeeyo arjigaaga waxaadna bixin kartaa xog kasta oo gaar ah oo ikhtiyaari u ah ka shaqaynta arjigaaga. Ku guuldaraysiga inaad bixiso mid ka mid ah xogta loo baahan yahay waxay sababi kartaa dib u dhac ama diidmo u qalmitaankaaga gargaarka kirada xaaladaha degdegga ah.

Ogeysiinta Qiyaanada:

Qeybinta Warbixinta

Waxaan la wadaagi karnaa warbixinta wakaaladaha dowlada ama shirkadaha kale ee nagu caawinayo ka hortaga qiyaanada ama baaritaanka. Waxaan sidaas ku sameyn karnaa markii: (1) La ogolaado ama lagu helo sharci ahaan; ama, (2) isku dayga lagu illaalinayo ama looga hortagayo qiyaanada dhabta ah ama imaan karto ama wareejinada aan la ansixin; ama, (3) baaritaanka qiyaanada taas oo horaan u dhacday. Warbixinta laguma siinin shirkadahaan ujeedada suuqgeynta.

Si loo wargeliyo qiyaanada, booqo Guriyeynta Minnesota.